Xaaladda magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa kacsan, kadib qaraxyo mattaano ah oo ruxay bartamaha caasimadda, oo qasaare kala duwan dhaliyey.
Waxaa la xaqiijiyey inay labada qarax ku dhinteen 2 qof iyadoo dhaawacyada ka badan yihiin 30 ruux. “Waxaan arkay in ka badan 15 qof oo dhaawac ah, waxaana indhaheyga ku arkay in ka badan labo meyd ah,” ayuu yiri goobjooge la hadlay NTV Uganda.
Wariyeyaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay in ay arkeen haraaga jirka dad ku gubtay qaraxa iyo waxyaabo kale oo daadsan agagaarka goobaha la qarxiyey.
Qaybta degdega ah ee Cisbitaalka Qaranka ee Mulago ayaa waxaa buux dhaafiyay ilaa 27 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo todobo ka mid ah ay xaaladoodu liidato, sida uu sheegay maamulka isbitaalka.
Dhaawacyada la dhigay Isbitaalka Mulago ayaa waxaa ku jira 19 askari Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Saldhiga Bartamaha, xilliyada ay qaraxyadu dhaceen. Mid ka mid ah askarta ayaa dhaawac ka soo gaaray cagta.
Dhinaca kale Baarlamaanka Uganda oo u dhow goobta qaraxa, ayey ciidamadu ka daad gureeyeen shaqaalaha iyo xildhibaannada ku jiray, qaraxa kadib. Qiiq iyo uuro madaw ayaa cirka isku shareeray iyadoo gawaari badan ku bas beeleen waddooyinka.
Bartamaha caasimadda Kampala, waxaa la xiray goobaha ganacsiga, waxaana dadka ay isaga baxeen goobihii shaqada iyadoo ku laabtay guryahooda, waxaana guud ahaan magaalada la dhigay ciidamo fara badna oo adkeeyay amniga.
