Sunday, July 13, 2025

Boqor Buurmadow oo Xabsiga laga sii daayey, markii uu madaxweynaha Somaliland u fidiyey….

Wararka laga  helayo Magaalada Hargeysa  ayaa sheegaya in maanta cafis lagu sii daayey  Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo Maxkamadda Hargeysa ay ku xukuntay Saddex sanno oo xarig ah.

Madaxweynaha Somalialad Muuse Biixi Cabdi ayaa  cafis u fidiyey Boqorka oo ka mida nabadoonadda waaweyn ee degaanada Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo xabsiga laga sii daayey, waxaana hore si weyn loogu cambaareeyay inaan lagu soo darin maxaabiis ka badan 500 oo cafis loo fidiyey munaasabadii Ciidul fitriga.

Boqor Buurmadow oo lagu eedeeyay inuu u gefay qaranimada Somaliland waxa loogu yeero ayaa   60 maalmood ku qaatay xabsiga, waxaaana xarigiisa uu dhaliyey banaanbaxyo ka dhacay degaanada uu kasoo jeedo.

Cafiska lagu sii daayey Boqor Buurmadow ayaa la kusoo beegmaya xilli la filayo in Muuse Biixi socdaal ku tago degaanada gobalada Sanaag Iyo Togdheer oo laga taageersan yahay Boqor Buurmadow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON