Boqorka Sacuudiga ayaa amar ku bixiyay in diyaarado toos ah loo diro oo magaalada Dooxa ee dalka Qatar kasoo qaaday xujeyda dalka Qatar.
Sida ay baahisay wakaalada wararka Sacuudiga Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa amray in diyaaradaha Shirkadda Sacuudiga ay si toos ah u tagaan magaalada Dooxa ee dalka Qatar, kana soo qaadaan xujeyda dalka Qatar ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka, isagoo shaqsiyan bixin doona kharashka, iyadoo xujeyda Qatar laga cafiyay lacagtii laga qaadi jiray oo dhan.
Waxaa kaloo Boqorka Sacuudiga uu amray in xuduudka dhulka ee labada dal loo furo xujeyda dalka Qatar, waxaana la sheegay in go’aankan ka dambeeyay qorshe uu boqorka u gudbiyay amiirka leh dhaxalka dalkaasi Maxamed Bin Salmaan, markii uu waanwaan ka galay Sheekh C/llaahi Bin Cali Aala-thani oo ka mida qoyska xukuma dalka Qatar.
Tallaabadan lama filaanka ah ayaa imaaneysa iyadoo dowladda Qatar ay Sacuudiga ku eedeysay inay carqaladeysay xujeyda dalkeeda ee gudan lahaa waajibaadka xajka, waxaana loo arkaa xaalad cusub oo ku soo korortay is mari waaga iyo xayiraadda isbaheysiga Sacuudiga ku hayaan dalka Qatar.