Monday, December 16, 2019
More

    Boqorka Sacuudiga oo Amiirka Dalka Qatar ku casuumay Shir Madaxeedka Khaliijka ee magaalada Riyaad

    Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa casuumaad u diray Amiirka Dalka Qatar Hamad Bin Khaliifa Althani, iyadoo uu ku casuumay ka qeybgalka shirka dalalka Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyaad.

    Casuumaadda Boqorka Sacuudiga u diray Amiirka dalka Qatar ayaa waxaa guddoomay Wsiirka Arrimaha dibadda dalka Qatar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan kadib kulan dhex maray Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka C/ladiif Alzayaani, waxaana casuumadda ay ku saabsaneyd inuu Amiirka Qatar ka qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee 10-ka bishan Disembar ka dhici doona magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga.

    Ad

    Shirka Golaha iskaashiga Khaliijka ayaa la sheegay in looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Khaliijka iyo Bariga dhexe, iyadoo aan la ogeyn inuu aqbali doono Amiirka Qatar, kana qeybgeli dooni shirkaasi iyo in kale.

    Shirarkii hore ayuu amiirka Qatar u diray wasiirka arrimaha dibadda iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka dalkaasi, waxaana muddooyinkii danbe si tartiib ah usoo hagaagayey xiriirka dalka Qatar iyo dalalka xayiraadda saaray ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,746FansLike
    1,345FollowersFollow
    3,613FollowersFollow
    131,746FansLike
    1,345FollowersFollow
    3,613FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!