Monday, December 16, 2019
More
    Home Somali Banaadir Maamulka G/Banadir oo soo bandhigay Diyaargarowga Qeybta Gurmadka ee Roobabka kusoo wajahan...

    Maamulka G/Banadir oo soo bandhigay Diyaargarowga Qeybta Gurmadka ee Roobabka kusoo wajahan Dalka [Sawirro]

    -

    - Advertisement -

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ayaa soo bandhigay diyaargarowga qeybta gurmadka degdegga ah oo heegan la geliyey, kadib markii laga digay roobab waaweyn iyo duufaano kusoo wajahan Soomaaliya.

    Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa diyaarisay dhammaan Gaadiidka waaweyn, kuwa gurmadka degdegga ah iyo shaqaalaha gurmadka oo heegan ku jira, waxaana kormeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo tegay xarunta xarunta gaadiidka dowlada hoose Xamar, waxaana la socday guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ee Maaliyadda iyo Howlaha Guud.

    - Advertisement -

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ka hadlay sida ay dowlada hoose Xamar diyaar ugu tahay inay bulshada ugu adeegto xilliyadan ay jiraan xaaladaha degdegga ah.

    Image may contain: 6 people, people standing and outdoor
    Image may contain: sky and outdoor
    Image may contain: outdoor
    Image may contain: car and outdoor
    Image may contain: one or more people and outdoor
    Image may contain: 2 people, people standing, night and outdoor
    Image may contain: sky, car and outdoor
    Image may contain: sky and outdoor
    - Advertisement -

    TOOSHKA GOOBJOOGEXOGAHA
    LAGUU SOO XULAY

    FAAQIDAAD: Sidee Alshabaab ku gaareen Hotel-ka SYL? [Qorshaha cusub ee la adeegsaday & fashilka Sirdoon ee NISA]

    Weerarka Alshabaab ku qaadeen xalay Hotelka SYL ee u dhow Madaxtooyada Soomaaliya wuxuu gebi ahaan ka duwanaa weerarradii noociisa ahaa ee looga...

    XOG: Dowladda Somalia oo tiro xilbdhibaano ah u ogolaatay Ahlu suna & Waanwaantii ugu danbeysay oo socota

    Iyadoo uu dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada Galmudug ayaa waxaa socda waanwaan laga dhex wado Ahlu suna iyo dowladda Soomaalya...

    XOG: Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay Olole ka dhan ah Sharciga Doorashada ee Baarlamaanka hor yaalla

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Faramaajo ayaa bilaabay olole ka dhan ah Sharciga Doorashada ee hadda doodiisu ka socoto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    XOG: Dowladda Somalia oo xayiraad saartay Sawir-qaadihii la socday Almaas Elman & la-taliyaha Madaxweynaha oo difaacay…

    Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ka badan toddobaad xayiraad saartay sawir-qaadihii la socday marxuumad Almaas Elman oo Arbacadii 20-ka bishan Novembar lagu dhex...
    error: Content is protected !!