Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalka Pakistan si cad ugu sheegtay inuu kala doorto cidda uu la jiro Isbaheysiga Sacuudiga iyo Dalka Qatar.
Arrintan ayaa timid kadib markii Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif uu booqday Sacuudiga, isagoo doonayay inuu dhexdhexaadin ka galo khilaafka ka dhex aloosan dalalka Khaliijka iyo dalka Qatar.
Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa la sheegay markii uu la kulmay Ra’iisal wasaaraha pakistan inuu u caddeeyay inaysan jirin wax dhexdhexaad ah ee Pakistan ay caddeyso cidda ay la jirto.
Pakistan ayaa si aad ah ugu dhow Sacuudiga, waxaana Sacuudigu maalgeliyay barnaamijkeeda Niyukliyeerka iyadoo Pakistan ay ku adkeysaneyso inaysan cidna la safan xiisadda Khaliijka.
Nawaz Sharif ayaa tegey magaalada Jidda iyadoo uu la socdo taliyaha ciidamada Pakistan Gen. Qamar Javid Bajwa iyo madax kale, waxaana lagu wadaa inuu booqdo dalalka Kuwait, Qatar iyo Turkiga.