Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis ayaa bixin doona sanadkan dhammaan wixii kharash ah oo ku baxaya Xujeyda ah muwaadiniinta dalka Qatar oo dalkiisa uu xayiraad saaray.
Sida ay baahisay wakaalada wararka Sacuudiga Boqor Salmaan wuxuu diyaarado gaara ah u diri doonaa magaalada Doxa si ay halkaasi uga soo qaadaan Xujayda reer Qatar, iyadoo loo furayo xuduudka laba dal oo xirnaa in ka badan laba bilood, lagana cafiyay kharashkii dal ku galka.
Arrintan ayaa jawaab u ah olole weyn oo dowladda Qatar ay ku furay Sacuudiga, iyadoo ku eedeysay inuu siyaasadeynayo xajka, kadib markii xujeyda reer Qatar ay awoodi waayeen inay tagaan Sacuudiga.
Arrinta la shaaciyay ayaa ah in arrintan uu ka danbeeyay mid ka mida qoyska talada dalka Qatar haya oo waanwaan ka galay, iyadoo uu codsiga gudbiyay dhaxal sugaya cusub ee uu dhalay boqor Salmaan.
Jawaabihii ugu horeeyay ee ka yimaada dalka Qatar ayaa ka dalbanaya Sacuudiga in arrintan ay ka mid noqdaan dadka aan u dhalan Qatar ee degan dalkaasi, kuwaasoo doonaya inay tagaan xajka.