Thursday, April 18, 2024

Bosaso Airport: Muxuu kala mid noqon doonaa kuwa Xamar, Hargeysa iyo Kismayo? Silic, Bahdil iyo Ihaano mise ….

Waxaa maalinta Jimacada ah ee 8 Janaayo xariga laga jarayaa Garoonka Diyaaradaha ee ay yeelatey magaalada Bosaso, kaas oo noqonaya mashruucuu ugu ballaarnaa ee Puntland laga fuliyo. Marka laga yimaado la qaybsiga farxadda Bulshada Soomaaliyeed ee Puntland ku dhaqan ayaan haddana ka eegeynaa bal sida la doonaayo in uu noqdo oo uu uga duwaanado kuwo aan horey u soo arkey.

Bosaso Airport

Waxaan ka soo dhoofay gegida Cigaal ee Hargeysa. Dayaaraddu waa Ethiopian Airlines oo ku socota Addis. Mid yar oo qaadda ilaa 50 qof. Waxaannu nahay ilaa iyo 15 qof inta safka ku jirta. Shisheeye iyo Somali. Waxaa amarka siinaya shaqaalaha Somaliyeed ee gegida rag Itoobiyaan ah. Waxay Itoobiyaanku kormeerayaan sida naloo baarayo iyo sida loo eegayo waraaqaha aan sidanno.

Ad

Gudaha qolka sugitaanka. Makhaayad yar baan ka iibsaday biyo iyo shaah. Waxaannu joognaa ‘Duty Free Hall’. Rakaabku waxaa ay gateen cabitaan, jokoleet, iwm.
Waxaan nalooku yeeray in aannu fuullno dayaaradda. Waxaa nalaka daadshay dhammaan biyihii aan ka gadanney ‘Duty Free Hall’. Waayo? Jawaabtu waxaa la yiri: Waxaa mamnuucay madaxda Ethiopian airlines. Yaa ka taliya gegida Cigaal?

Ma ayagaa leh gegida. Sow ‘Somaliland’ ma leh?

Somaliyoo idil bay ka taliyaan, waaba gegida dayaaradaha ee Hargeysa.

- Advertisement -

Gegida Aadan Cadde – Muqdisho

aden-adde-airport
Meel u jirta 200m waxaa fadhiya ciidan Somaliyeed. Ayagaa na baaray. Shandad, dhar iyo cafashba waa lakala filkiyey. Waannu gurannay. Dushaan ku qaadannay. Socod xoogaa ah. Ciidanka AMISOM baannu u tagnay oo qol yar miis iyo raajo (X-ray) u taal. Baaritaan kale. Ciriiri. Sidii hor iyo si ka daran. Saf iyo nidaam ha sheegin. Kan kaa tabar yar riix oo dhinac u tuur. Kan culeeyska shandaddiisa la liita ku durduri. Askariga AMISOM haku kala tuuro. Adna, ‘Sorry sir. This is my bag.’ Shandaddaada dhinac ha u riixo. Guri ba’ay. Soo guro alaabtaada oo dhididka gacanta oo maran isaga tir. Neef tuur.

Dusha ku soo qaado shandadda. Xoogaa lugeeys ah iyo Terminalka cusub. Waa AMISOM haddana iyo dhowr shaqaale Somali ah. Saf ma jiro. Waa orod. Yaan lagaa badin. Tigidhka dhiib. Baasaboorka dhiib. Xoogaa wareysi ah, haddaad usocoto dibadda. Raajada dhexmar. Kabaha gacanta ku qaado. Suunka garabka saaro. Laptop haddaad wadato taxadar oo isha ku hay, haddii kale….

Qeybta sugitaanka. Sheeko, qosol, iyo milicsi waxaad soo jiirtay oo idil. Farxad guusha aad soo gaartay.

Gegida Kismaayo

kismaayo-airport

- Advertisement -

Waa sidii Xamar oo kale balse ka buuq yar. Waayo waa magaalo ka yar Xamar. Waan kasoo dhoofayey. Baaritaanka hore waa askar Somaliyeed. Fadhigoodu waa meel aan ka fogeyn ciidanka AMISOM. Ka dib ciidanka AMISOM. Baaritaan dheer. Wareysi sheekeysi ah. Amar iyo guulguul. Taagnow agtooda, ayana sheeko kale ha qabsadaan. Dulqaad yeelo, haddii kale awooddaadaa lagu tusinayaa.

Xamar iyo Kismayo. Waxaa ciidanka Somalida loo dhigay irridda hore waa haddii qarax iyo dhib yimaaddo, marka hore ayaga ha haleelo. Ciidanka ilaalada AMISOM fadhigoodu waa meel ka durugsan irridda hore. Gol eey baa lagu sahamiyaa. Shabaab iyo qaraxooda marka hore askarta Somalida ha asiibo. Goortaa ka dib AMISOM ha tashato. Marka hore Somalida ha hoogaan. Ayagaa meesha isdhigay. Ladnaanta iyo reeynreeynta ka muuqata AMSIOM ciidanka ka jooga goobahan, waxaa sii dheer bahdilka, quursiga iyo ixtiraam la’aanta ay ku hayo ummaddaa safarka ah oo idil iyo kuwa la shaqeeya. Waa teey waa hore u diideen taliyaha booliska Somaliyeed inuu galo gegida Aadan Cadde.

Gegida Bosaso

Wasaaradda Duulista Puntland waxa looga fadhiyo waa:

bosaso-airport
Maamulka gegida Bosaso waxaa looga fadhiyaa sidey u maareeyn lahaayeen hawshaasi. Ama nidaam iyo maamul tayo iyo kala dambeeyn leh keena ama ciidan AMISOM ha bahdilo shacabka iyo musaafurka. Shaqaale Itoobiyaanna talada ha yeeshaan sida gegida Hargeysa.

Waxaa Wasaaradda Duulista looga fadhiyaa in ay diyaariso Logistic wanaagsan sida qalabka soo dejinta rakaabka, boorsooyinka iyo Kaargooga, Duty Free casri ah iyo Makhaayad wanaagsan. Dadka soo dhaweynta u yimaada oo aan loo oggolaan in ay dadka diyaaradda ka soo dejiyaan. Sidoao kale ciidamada tuutaha kala nooca ah iyo qoryaha ku raran oo garoonka laga saaro

Maamulka Garoonka waxaa looga fadhiyaa in ay sameeyaan qaybta cabashooyinka, Shirkadaha duulimaadku dulmi xooggan ayeey u geystaan rmusaafurka, mana jirto cid looga dacwoodo.
Haddii kale waxay noqon xamuulka iyo shandadaha oo dusha looga soo qaato ilaa xaafadda Laanta Hawada, iyo isku dhedxyaacii horey loo barety.

Bal aannu eegno. Bilaha ugu horreeya ee 2016 yaa la furayaa gegida Bosaso.

Qore: Cusmaan Cumar
cusmaancumar@gmail.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON