Sunday, July 13, 2025

Burcad badeed Soomaali ah oo Doon ay ku shaqeystaan ka qafaashay xeebaha Puntland

Koox hubeysan oo burcad badeed ah ayaa weerar ku qaaday Doon mareysay Xeebaha Degmada Eyl Ee Gobolka Nugaal, iyadoo qabsaday Doontaasi.

Dableyda ayaa waxay Doonta ay qafaasheen  ka dejiyey 10 Shaqaale oo Doonta la socday oo ud hashay dalka Yeman.

Agaasimaha La dagaalanka Burcad badeeda Puntland C/raxmaan Maxamuud Xasan ayaa usheegay Wakaalada Reuters in weerarka ay ka war hayaan inuu dhacay oo Eyl Doon laga afduubtay.

Sarkaalka u hadlay Puntland ayaan  bixin faahfaahin kale waxaana la ogeyn meesha ay la aadeen Kooxda weerarka fulisay. Degmada Eyl dad kusugan ayaa waxay sheegeen in hadal heyn ka dhashay arintaan ay ka jirto halkaasi.

Waa weerarkii labaad oo maalmo kooban ah lagu Afduubto deegaanada Puntland iyadoo dhawaan Markab la yiraahdo ARIZ lagu qafaashay Degmada Caluula.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON