Sunday, July 13, 2025

Burcad Badeedii Soomaalida oo dib u soo noolaatay & Markab weyn oo lagu heyso xeebaha Puntland

Burcad Badeedkii Soomaalida ayaa dib u soo laba kacleysay kadib markii ay Markab weyn oo ganacsi afduubteen lana tageen xeebaha degmada Caluula, Gobolka Bari ee Puntland.

Markabkan ayaa la sheegay inuu yahay Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah, kaasoo marayay Badweynta India.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Markabkan laga leeyahay dalka Jarmalka, isagoo sita calanka Srilanka, isla markaana biyaha caalamiga ah laga soo qafaashay.

Burcadbadeedka kasoo jeeda degaanada Puntland oo ka badan 40 maleeshiyo ayaa la sheegay inay saaran yihiin Markabka, iyagoo doonaya lacag madax furasho ah.

Falkan ayaa ku soo beegmay xili burcad badeedkii Soomaalida hoos u dhac weyn sameysay oo la soo gabagabeeyay howlgalkii midowga Yurub ee Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON