Fal lagu dhacay xarumo ganacsi oo fara badan ayaa xalay ka dhacay Suuqa ugu weyn ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa Bakaaraha.
Koox Burcad hubeysan ee falkan ka dambeysay ayaa jebsaday Dukaamo gaaraya 7 oo ah kuwa Bagaashka, kuna yaala xarunta Kawaankii hore Ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ka qaatay lacag iyo qalab fara badan.
Falkan oo ah mid cusub ayaa ka danbeeyay falal kale oo boob ah, kuna soo kordhay suuqa maalmihii ugu danbeeyay, xilligan kala guurka ah.
Amaandarrada ka sii xoogeysaneysa suuqa Bakaaraha ayaa walaac weyn ku abuurtay ganacsatada Suuqaasi oo baaqyo ay u direen dowladda iyo hay’adaha ammaanka aanay jirin cid wax ka qabatay.
Goobjooge.com