Thursday, July 17, 2025

Burcad ku howlgasha Mooto oo lagu qabtay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox burcad ah lagu qabtay xaafad ka trisan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degmada waxaa gacanta lagu soo dhigay rag lagu eedeeyay inay falal burcadnimo ah ka geysan jireen gudaha degmadaasi, iyadoo dadka ka dhici jiray Mobile-da gacanta iyo agabyada kale, iyadoo ku howlgeli jiray Mooto dhugdhugley ah.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Cabdifitaax Yaanyo ayaa sheegay in howlgal ay  qaadeen ciidamada booliska lagu qabtay laba burcad ah, iyadoo la hor geyn doono cadaaladda, sida uu yiri.

Ciidamada Booliska ayaa howlgal balaaran ka wada degmooyinka magaalada Muqdisho iyagoo sii kordhiyey dadaallada ay ku doonayaan inay kula dagaalamaan burcadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON