Ciidamada Booliska ayaa saaka Suuqa Bakaaraha ku dhaawacay, kuna qabtay dabley hubeysan oo dhac ka geysaneysay gudaha Suuqaasi.
Dableyda Burcadda ah ayaa la sheegay inay gaarayeen Saddex qof oo laba ka mida ay ciidamadda gacanta ku dhigeen, halkamidka saddexaad la sheegay inuu baxsaday, iyagoo watay mooto Bajaaj ay ku fulinayeen burcadnimada ay ka wadeen suuqa Bakaaraha.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegtay in kooxdan ay dhac u geysteen dad saaka ku jarmaaday suuqa Bakaraha, iyadoo ka dhacay Mobilo iyo agab kale, waxaana ciidamada Booliska oo ku baxay ay dhaawaceen midkood.
Dadweyne ay dhaceen aya buux dhaafiyey goobta lagu qabtay dableydaasi oo ka mid ahayd burcad ku soo badatay magaalada,