Buuq iyo fowdo ayaa hareysay Baarlamaanka maamulka Hirshabelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.
Kulanka ayaa la hor keenay Golaha wasiirada uu magacaabay madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, oo muran weyn ka taagnaa.
Muranka ayaa ka dhashay ajendayaasha laga hadlayo, taasoo keentay in muddo buuq ka socdo xarunta Baarlamaanka, waxaana markii danbe cod loo qaaday lagu ansixiyay Golaha wasiirada Hirshabeelle.
85 xildhibaan ayaa xaadir ahaa, waxaana la shaaciayy in 71 ka mida ay ogolaatay. Mooshin looga horjeeday Golaha wasiirada ayaa heli waayay codad ku filan intii aan la ansixin Golaha Wasiirada Hirshabeelle.
Dhinaca kale waxaa kulankii maanta ee Baarlamaanka Hirshabeelle lagu ansixiyay Xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Goobjooge.com