Friday, June 27, 2025

C/qaasim Salaad: “Lama rabo mucaarad shaqadiisu tahay in dowladdu dhacdo oo dalku…” [Dhageyso]

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd ee TNG-da oo lagu dhisay dalka Jabuuti Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa baaq u diray  dowladda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya.

C/qaasim oo ku sugan Qaahira oo muddooyinkii danbe uu deganaa ayaa ka hadlay Xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jirta, isagoo sheegay in xaaladda dalka aysan sidii hore ahayn oo isbedel jiro, dalkuna leeyahay maamul Goboleedyo.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay gaartay guulo, balse culeyska jiro uu yahay burburkii weynaa ee gaaray dowladnimada Soomaaliya. Wuxuuna shacabka ugu baaqay inay qabiilka meel iska dhigaan.

“Caqabado waa jirayaan, mucaarad waa jiraa, kuwa Baarlamaanka ama senate-ka ku jira ayaa mucaarad noqonaya, waxaana la rabaa inuu noqdo mid wax toosinaya oo wixii khaldan saxaya, mucaaradka lama diidanee waa inay xaq ku hadlayaan.. ee lama rabo muraacad ka shaqadiisu tahay inay dowladu dhacdo oo dalku baaba’o..” ayuu yiri C/qaasim oo wareysi siiyay VOA-da.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON