Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya C/Qaasim Salaad Xasan ayaa si qiiro leh uga hadlay qaraxii Sabtidii 28-ka Disembar ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye, isagoo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Alshabaab.
Wuxuu sheegay in dhiigga daadanaya aanu hadda bilaaban, isagoo ka tacsiyadeeyay dadkii lagu xasuuqay isgoyska Ex-Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in dhulka Soomaalida laga akhriyo quraan, 114 goor-na la dhammeeyo, ayna wada akhriyaan dadka oo dhan, laguna duceysto in dhibaatada Alle ka qaado shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu usoo jeediyey shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan cidda xasuuqa ku heysa, ayna noqdaan dadka iska qaba oo iska qabta dadka fitnada ka dhex wada ee qarxinta iyo leynta ku haya.
HOOS KA DAAWO