Sunday, June 22, 2025

C/qadiir Khan: Khabiirkii Muslimka ahaa ee soo saaray Bam Niyukliyeer ah. (Noloshiisii iyo Waxqabadkiisii)

Waxaa dalka pakistan looga dhawaaqay inuu Geeriyooday Caalimkii weynaa ee dalkaasi iyo Khabiirkii sameeyay Bamka Niyuliyeerka dalkaasi, kaasoo Pakistan ka dhigay dal heysta Hubka Niyukliyeerka ah iyo dalka Muslimka ee kaliya oo hubkaasi helay.

C/qadiir Khan wuxuu ahaa 85 sano jir, waxaana la sheegay inuu u dhintay cudurka Corona Virus, inkastoo cudurro kale uu la xanuunsanaa, waxaan halkan ku eegeynaa taariikhdiisii cajiibka ahayd iyo dadaalkii dheeraa ee uu soo galay.

C/Qadiir Khan wuxuu dhashay April, sanadkii 1936kii, wuxuuna ku dhashay magaalada Bhopal ee dalka Hindiya xilligaas oo Pakistan ay ka mid ahayd India, waxaana gumeysanayey Ingiriiska.

Ad

Wuxuu waxbarasho u tegay dhowr jaamacadood iyo xarumo waxbarasho oo reer Yurub ah, sida Jarmalka, Netherlands iyo Belgium. Bartamihii lixdameeyadii, kadibna wuxuu Shahaadda doctorate ee PHD ka qaatay jaamacad ku taalla dalka Belgium.

Horraantii toddobaatameeyadii, ayuu degay dalka Nederland isagoo shaqaale ah shaybaarka kobcinta Yuraaniyamka. Xilligaas Cabdulqadiir Khan wuxuu ku shaqeynayay sidii injineer biraha warshadda iyo kobcinta macdanta Yuraaniyamka ah ee dalka Nederland.

Wuxuu mar kasta ku riyoonayey inuu hormaro dalkiisa, kuna daro Naadiga dalalka heysta Hubka halista ah ee Niyukliyeerka, wuxuu iskiis u watay tijaabooyin inuu sameeyo cilmi baaris iyo sahamin dheeraad ah, isagoo shaqeyn jiray habeen iyo maalin.

- Advertisement -

Khan waxaa lagu dallacsiiyay shaqadiisii ​​Holland, ilaa uu ka noqday madaxa macdanta ee shirkadda Injineeriyadda dalka Dutch-ka ee (FDO), oo waqtigaas si aad ah ugu xirnaa ururka “Urenco” ee daneeya kobcinta Yuraaniyamka.

Dadaalkii Khabiir C/qadiir Khan waday wuxuu noqday mid aysan ka hoos qaadin dowladihii isaga danbeeyay dalka Pakistan, laakiin waxay wax waliba is bedeleen markii dalka India uu sanadkii 1974 ku dhawaaqay inuu si guul ah ku tijaabiyey Bam Niyukliyeer ah.

Arrintan halista gelisay dalka Pakistan waxay kicisay shucuurta wadaniyad ee dad badan oo reer Pakistan ah, waxaana Cabdulqadiir Khan go’aansaday inuu ka mira dhaliyo dadaalkiisii ahaa inuu dalkiisa yeesho Niyukliyeer, lana tartamo India.

Ra’iisul Wasaarihii Pakistan Zulfikar Ali Bhutto ayaa u yeeray Cabdulqadiir Khan 1975-kii isagoo ku sugnaa dalka Netherlands, wuxuuna u magacaabay madaxa barnaamijka nukliyeerka Pakistan.

- Advertisement -

Khan wuxuu bilaabay tartan deg-dega si uu u gaaro arrin aan macquul aheyn, wuxuuna shaqadiisa ka bilaabay magaalada Kahuta oo u dhow magaalada Rawalpindi, halkaas oo uu ka aasaasay sheybaarro injineernimo oo loogu talagalay cilmi -baarista koowaad ee dadaalka ay Pakistan ku dooneysay inay ku hesho Hubka Niyukliyeerka sanadkii 1976. Sheybaarka waxaa sanadkii 1981 loo bedelay “Dr Abdul Qadeer Khan Laboratories Research”.

Waxaa la sheegay in xilligii uu C/qadiir Khan ka shaqeynayay shirkadda dalka Holland inuu si qarsoodi ah u koobiyeynayey naqshadaha xarumaha dhexe iyo soo uruurinta liisaska shirkadaha Pakistan siin kara farsamo si ay u soo saaraan macdanta Yuraaniyam oo aad u hodan ugu ah hubka nukliyeerka, inkastoo Khan marar badan beeniyay inuu xog ka xaday Netherlands.

Dadaalkii Pakistan wuxuu mira-dhalay Bishii Sebtembar 1986, markaas oo dowladda Pakistan ku guulaysatay inay gurato mirihii dadaalka C/qadiir Khan, iyadoo ku dhawaaqday inay ku biirtay dalalka leh Hubka Niyukliyeerka markii ay tijaabisay Bamkii ugu horeeyay.

Dadaalka caalimka C/qadiir Khan wuxuu keenay intii u dhexaysay 18 iyo 21 September 1986, inuu fuliyo qaraxii ugu horreeyay ee Pakistan ee nukliyeerka dhulka hoostiisa ah, sida lagu qoray wargeyska “Washington Post”.

Howshaasi ma ahayn mid fudud ama sahlan, laakiin waxay ka dhigan tahay guulaha milateri ee ugu caansan ee ay Pakistan gaartay taariikhdeeda, ilaa maantana weli waa waddanka keliya ee Islaam ah ee heysta awoodna u leh soo saarista bam nukliyeer ah.

Reer Galbeedka ayaa si gaara cadaadis ugu bilaabay dalka Pakistan iyo caalimkeeda hubka Niyukliyeerka, waxaana lagu eedeeyay in sirka Hubka Niyukliyeerka uu u gudbiyey dalalka Iiraan iyo Waqooyiga Kuuriya.

Waxay arrintu gaartay in xabsi guri la geliyo markii uu qirtay inuu sirka Niyikluyeerka u gudbiyey dalal kale, markii danbena ay cafis u fidiyaan golaha wasiirada dalka Pakistan.

Sannadkii 2008, waxaa la shaaciyay in Khan uu ku dhacay caabuq fayras waxaana la dhigay isbitaalka kaddib markii uu xumad iyo dhiig-kar ay ku dhaceen.

Maalmo ka hor, waxaa la shaaciyey inuu ku dhacay fayraska Corona oo markii dambe isbitaal la dhigay, markii caafimaadkiisa kasoo hagaagay, waxaa loo wareejiyay gurigiisa, laakiin xaaladiisa ayaa si lama filaan ah xalay uga xumaatay, wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaal caasimada, Islamabad.

Marxuum CabdulQadiir Khan wuxuu qoray oo la daabacay ilaa 150 cilmi -baaris cilmiyeed ah oo lagu qoray Wargeysyada Cilmiga ee Dunida. 1981 -kii wuxuu daabacay buugga “Bamka Islaamiga ah” oo Af -Ingiriisi ah.

Wuxuu taariikhda ku galay inuu noqday Aqoonyahankii ugu horreeyey ee Muslim ah oo dadaalladiisu horseedeen inuu dalkiisa soo saaro Bam nukliyeer ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON