Sunday, July 13, 2025

C/rashiid Janan, Ciidamadiisa iyo Gadiid dagaal oo gaaray Goobtii lagu ballamay iyo wafdigii dowladda oo…

Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa gaaray degaanka Najax ee duleedka magaalada Beledxaawo, halkaas oo uu kula kulmi doono taliyaha NISA Fahad Yaasiin, wasiir ku xigeeno iyo saraakiil ka socota dowladda.

C/rshiid Janan oo wata ciidamo iyo 11 gaadiidka dagaalka ah ayaa soo gaaray barqanimadii maanta Tuulada Najax, waxaana halkaasi kusii jeeda wafdi ka tirsan xukuumadda iyo madaxda Hay’adda NISA.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiska Maxamed C/llaahi Farmaajo la galay C/rashiid Janan ay damaanadaqaadayaal ka yihiin odayaal, ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Gobolka Gedo, isla markaana lagu saxiixi doono Tuulada Najax oo xilligan uu ku sugan yahay C/rashiid Janan.

Waxaa saacdihii ugu danbeeyay Garoonka Doolow gaaray xubno ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxman Kulmiye, Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta C/raxman Yuusuf Cadaalla, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo qeyb ka ah heshiiska maanta C/rashiid Janan ugu soo wareegayo dhinaca Dowladda.

Banaanbax lagu soo dhoweynayo C/rashiid Janan ayaa ka socda magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana horkacayo Guddoomiyaha Gedo ee dowladda Federaalka raacsan Canjeex Buulle Garaad.

May be an image of 2 people, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people sitting, people standing, outdoors and crowd

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON