Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo saaray wareegto uu xilka ka qaadey Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland.
Qoraalka xil ka qaadista C/rashiid Janan ayaa lagu qoray 20-ka bishan Maarso 2021, iyadoo aan lagu caddeyn sababta xil ka qaadista, isla markaana aan lagu bedelin cid kale oo xilkiisa qaban doona, waxayna arrintan ka dhigan tahay in Axmed Madoobe uu waayey Mas’uulkii ugu muhiimsanaa ee Gobolka Gedo.
Dowladda Federaalka ayaa ka faa’iideysatay Khilaafka C/rashiid Janan iyo Axmed Madoobe oo bilowday kadib dagaalkii uu ku galay degmada Beledxaawo, waxayna isku qabteen arrimo la xiriira dhaqaale, taakuleyn iyo hub uu ka sugayey magaalada Kismaayo, waxaana caawiyey xaaladda ka jirtay duleedka Beledxaawo oo daba dheeraatay.
Saameynta ay Axmed Madoobe ku yeelan doonto heshiiska C/rashiid Janan la galay Dowladda Federaalka ayaan degdeg wax ugu dhimi doonin Axmed Madoobe iyo khilaafka doorashada ee xilligan taagan, laakiin waxay mar kale su’aal weyn gelin doontaa sida Gobolka Gedo uga mid noqonayo Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa intii uu talada qabtay 2017 wuxuu dagaal weyn kula jiray maamulka Jubbaland, isagoo doonayay inuu ka takhaluso Axmed Madoobe, taasoo markii ay suurageli weyday ay bilowday qorshe Gobolka Gedo looga saarayo maamulkii taabcsanaa Axmed Madoobe.

AKHRISO QORAALKA XIL KA QAADISTA
