Sunday, July 13, 2025

C/rashiid Janan oo abaabul ka bilaabay Beledxaawo (Ciidamadiisii oo ka baxay Doolow & Askartii dowladda oo kusii jeeda…)

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ee saaka gaaray degmada Beledxaawo ayaa si degdeg ah halkaasi uga bilaabay abaabul iyo shirar uu la leeyahay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Jubbaland ee taabacsan maamulkaas.

Imaatinka C/rashiid Janan ee Beledxaawo ayaa ku soo beegmay iyadoo dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan geysay gobolka, isla markaana ay wadaan dhaqdhaqaaqyo, waxaana ciidamadii la geeyay degmada Luuq ay u ruuqaansadeen dhinaca Doolow, sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee degaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in C/rashiid Janan iyo ciidamo uu wato ay ku wajahan yihin Ceelwaaq, iyadoo shalay xilligii danbe ay ciidamadii taageersanaa isaga tageen degmada Doolow, waxaana lasoo weriyey in dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ka socdo degmooyinka Gobolka Gedo intooda badan.

Wasiir C/rashiid Janan ayaa maanta xerada Jamacadda ee degmada Beled-xaawo khudbad ug jeediyey ciidamada Jubbaland taabacsan, isagoo kala hadlay inay xoojiyaan degaanada ay heystaan, isla markaana ay tegi doonaan degaano cusub.

Wararkii ugu danbeeyay ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu dib ugu laabtay Mandheera, Kenya, iyadoo ciidamada dowladda ay la wareegeen degmada Doolow, ayna gaareen degmada Beledxaawo.

HOOS KA FURO WARARKII UGU DANBEEYAY…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON