Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ka hadaly heshiis la sheegay inuu la galay dowladda Federaalka.
Cabdirashiid Janan oo uu soo igtay weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay inuusan jirin heshiis isaga iyo dowladda Federaalka dhex maray, wuxuuse xaqiijiyey inuu dhex maray wadahadal sida uu sheegay la mida kan Madaxda dowladda iyo maamulada uga socda Muqdisho.
Wararka hore u soo baxay ayaa sheegayey in wadahadalka u socda C/rashiid iyo dhinaca dowladda horumar laga gaaray, laakiin siyaasiyiin asoo jeeda Gobolka Gedo ayaa ku doodaya inuusan suuragal ahayn heshiis lala galo C/rashiid Janan, ayna arrintiisa ku xiran ahay dowlada Kenya.
