Wasiirk Amniga Jubaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) ayaa sheegay inuu joogo duledka degmada Beled-Xaawo ee gudaha dalka Soomaaliya, isagoo beeniyey in Kenya jabhado ku ururineyso dalkeeda, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
“Dhoobley waa magaalo Soomaaliyeed oo dowlad goboleedka Jubaland ka tirsan, ciidamadayada ayaana jooga. Haddii taas ay ciidamo ka yimaadaanna kama duwana ciidanka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo diyaaradaha lagu soo qaadayo oo shacabka Soomaaliyeed ee reer Jubbaland ee gobolka Gedo lagu dhibaateynayo muddada dheer” ayuu yiri Cabdirashiid Janan oo wareysi siiyay BBC-da.
C/rashiid Janan ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya inay dhibaato ku hayaan shacabka halkaasi deggan Gedo, wuxuuna yiri: “Meeshan waxaa ku sugan ciidamo iyo shacabkii aan mas’uulka ka ahayn oo dhibban oo dhibaato dhac, boob iyo waxyaabo xaqiiqiyan bani’aadanimada aad ugu fool xun lagu hayo… degmadan Beled-Xaawo ee aan hadda duleedkeeda deganahay 5/3/2011 baan caddow ka qabannay. Haddana cadow kale ayaa haysta ayaan dhihi karaa sida shacabka loola dhaqmayo”.
Wasiirka ayaa sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhaca gobolka Gedo uu qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo taliyaha nabad-sugidda Fahad Yaasiin.
“Xiriirka ay Villa Somalia u jartay dowladda Kenya waxba annaga Jubaland ah nagama quseeyaan. Dowladda Kenya xiriir baan la leenahay, deris baan nahay, walaal baan nahay, shacabka Soomaaliyeed baa ku dhex nool. Mana qabno in marnana xiriir loo jari karo, sidaasina aan ku kala go’i karno….mana aha ra’yiga aan ku hadlayno mid annaga Jubbaland ah oo kaliya aan qabnee qof kastaa oo Soomaaliyeed oo muwaadin ah oo dalkan u naxaya ayaa qabo in ereyga Villa Somalia ka soo baxaya in uu yahay wax khaldan”, ayuu yiri C/rashiid Janan.
