Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa taageeray in la xiro masaajidda si looga hortago faafista cudurka Coronavirus, wuxuuna su’aal ka keenay sababta ay Culimada Soomaalida ku diidan yihiin in la xiro masaajidda.
Wuxuu ku dooday in Masjid ku yaala Malaysia uu noqday ubucda uu ka faafay Fayriska coronavirus, kadib markii wiil dhalinyaro ah oo 35 jir ah oo dadkii Masjidka ku tukanayey ka mid noqday dadka u dhintay Fayriska, isagoo sheegay in diinteena ay dadka fartay in arrin kasta loo daayo dadka ehelka u ah, aqoonta iyo takhasuskana u leh.
“Soomaaliya ma yaalo qalab lagu baaro Fayriskan, mana jirto awood lagula tacaalo haddii uu ka dilaaco, Ilaaheey ha inaga badbaadiyee. Waxa keli ah oo inoo furan waa ka hortaga.. Maxay Cullimada Soomaaliyeed ugu madax adagyihiin in ay Masaajidda furnaadaan oo ay u xiri la’yihiin, iyadoo Xaramaynkii la xiray? Ma waxay sugayaan intii Fayriska dilaaco? Maxay u dhagaysan la’yihiin talooyinka dadka ahalka u ah takhasuskana u leh arrimahan? mise waxay ka dhego adaygayaan qowlka Ilaaheey oo leh:”فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ” Haddii aydan garanaynin, waydiiya kuwa ogaalka u leh. “فَاسْأَلْ بِهِ خَبِيرًا” Khabiirka waydiiya: وَلَا تَقْتُلُوا أَنفُسَكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا Ilaheey waa naxariistee naftiina ha dilininna. Iyo Qowlka Nabiga (NNKH) ee ahaa: “أنتم أعلم بأمور دنياكم” Idinkaa Amuuraha Aduunkiina iga og..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.