Thursday, July 10, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo Jawaab kulul ka bixiyey Siyaaradii Wasiirad Khadiija Diiriye ee Qabriga Jaalle Siyaad

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa jawaab ka bixiyey hadal ay qoraal ahaan u shaacisay Wasiirka Gargaarka xukuumadda xilgaarsiinta Khadiija Maxamed Diiriye kadib markii ay maanta booqatay Qabriga Jaalle Maxamed Siyaad ee magaalada Garbahaarey, Gobolka Gedo.

Wasiir Khadiijo oo muddooyinkii danbe ku caan baxday guulwadeyn iyo taageere aan hore loo arag inay u noqotay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoralkeeda ku tiri: “WAXAAN SOO SIYAARANAY QABRIGA AABE SIYAAD ALLOOW U NAXARIISO INSHA ALLAAH”.

C/raxmaan C/shakuur ayey muddo 30 daqiiqo ah ku qaadatay inuu jawaab kulul ka bixiyo isagoo qoraal kooban ku yiri: “Waa sida keli ah aad ku raali gelin karto Maxamad Farmaajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday. Waa tan aan diidanayn, diidi doono, marnaba aanan yeeli doonin”.

Khadiija Diiriye ayaa jawaab ay u dirtay C/raxman C/shakuur ku tiri: “HORAAN U IRI ISKA HADLOOW INA IGARE ILEYN XABAD CADIIN GASHAY XIS-MAGALO.. ALLE U-NAXARIISIGII MEEY KAA QABATAY MAANTA “(AABAHI-GARASHADAA U-YEERATAY MARXUUMKA DIKRIYAADKIISII WUU-SOO QAATAY WAANA U-QIREYNAA ALLOOW QABRIGA U-NUURI)” SIQIIRKA-SIYAASIGA WAA SIDII MAJAANIINTA OO XISAAB-LOOMA-QORO MARXUM WAX-MADHAMO MEYDKA-SOCONAYA..”

May be an image of one or more people, people standing, outdoors and text that says 'Khadija Mohamed Diriye WAXAAN soo SIYAARANAY QABRIGA AABE SIYAAD ALLOOW U NAXARIISO INSHA ALLAAH 287 Like 182 comments 33 shares Comment Share'

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON