Monday, June 23, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo ka hor yimid warbixintii Hay’adda NISA kasoo saartay Qaraxii Ex. Kontrol & Eedeyn ka timid

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ka hor yimid warkii ay shaacisay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, kuna saabsanaa in dal shisheeye uu ka danbeeyay qaraxii qasaaraha badan dhaliyey ee 28-ka bishan ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye.

Jawaab degdeg ah oo siyaasigan soo qoray ayuu ku yiri: “Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Alshabaab eeda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Alshabaab way dhaafsiisan tahay..”

C/raxmaan C/shakuur ayaan su’aal ka keenin wax caddeyn ah haddii ay heyso NISA, balse wuxuu fekerkiisa ku cabiray in Alshabaab iyo NISA wada-shaqeeyaan oo ah arrin uu mar waliba ku doodi jiray.

Ad

Siyaasiga ayaa ka mida siyaasiyiinta ku xiran Imaaraadka Carabta, wuxuuna hore si weyn ugu buunbuuniyey markii dalka Qatar lagu eedeeyay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso. Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo madaxda dowladda Somalia ayaa dhinaca kale taageero ka hela dalalka Qatar iyo Turkiga oo isku dhinac ah, waxaana laga cabsi qabaa in qaraxyadii Muqdisho iyo dhibaatadii shacabka ay markan isu bedesho dagaal siyaasadeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON