Thursday, June 26, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo Shan su’aallood ka keenay jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ee dhiibistii Qalbi-dhagax [Akhriso]

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa mushixiintii xilka madaxweynaha kula tartamay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa su’aalo badan ka keenay jawaabtii uu Farmaajo ka bixiyey dhiibistii Qalbi-dhagax.

Wuxuu sheegay inay isweydiin mudan tahay sababta uu Madaxweyne Farmaajo u ogolaaday inuu lix bilood kadib ka hadlo kiiska Qalbi-Dhagax..? wuxuuna intaas ku daray in Madaxweynuhu taageeray go’aankii Baarlamaanka ka qaatay dhiibista Qalbi-Dhagax, iyadoo Baarlamaanku go’aamiyay in Qalbidhagax uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, dhiibistiisana ay ahayd sharci daro, Hay’ada sirdoonkana ay xog aan sugnayn siiyeen Madaxda dalka. Waxay kaloo sheegeen in aysan ONLF Urur argagexiso ahayn.

C/raxmaan C/shakuur ayaa soo xigta in  Xukuumadda ayaa difaacday go’aanka dhiibista Qalbidhagax, iyadoo sheegtay inuu sharci ahaa, ONLF ku tilmaamtay urur aragagixiso, Qalbidhagax na danbiile. Wuxuuna isweydiiyay shan su’aalood oo kala ah: 

1- Madaxweynaha miyuusan ogayn go’aanka Xukuumada?

2- Muxuuse uga aamusay?

3- Muxuu u doortay xiligan in uu ka jawaabo kiiska Qalbi-dhagax?

4- Sidan masuuliyad ma kaga haraysaa..?

5- Sow lama oran karo hadii Baarlamaankii iyo Madaxweynihii isku aragti noqdeeen, Maxaa Xukuumada u yaala??.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON