Saturday, July 5, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo weerar kulul ku qaaday Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee labada Aqal ee Baarlamaanka

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay khudbadii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furitaanka kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka labadiisa aqal.

”Inkasta uu marar badan hadalka ka istaagay, Khudbada Madaxweyne Farmaajo uu labada Aqal maanta ka hor jeediyey ma ahayn mid isku xiran, dheelitiran, biya-dhacna leh…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo sheegay inuusan Farmaajo ka hadlin wixii looga fadhiyay.

”Kama hadlin Sanadkii tegey wixii ina soo maray, Nooma tilmaamin halka aan u socono, Soomana qaadin Arrimaha xasaasiga ee taagan. Madaxweynuhu wuxuu ka digay in dalkeena lagu soo xadgudbo ee ma sheegin in xadgudub dhacay oo laga xisaabtamayo..” ayuu farriintiisa ku yiri siyaasiga oo ka mida xubno ku xiran Imaaraadka Carabta oo si weyn u dhaliila hoggaanka maaxweyne Farmaajo.

Wuxuu ku dooday inuu u qaadanayo inuu madaxweynuhu mar kale masuuliyadisii gabay, haddii ay dhacdo in golaha wasiirada ay go’aano soo saaraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON