Monday, July 7, 2025

C/raxman C/shakur: “Dowladda Somalia waxay u ogolaatay Argagixiye Xasan Daahir inuu ku baaqo in Aniga la i dilo..”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran u ogolaatay inuu ku baaqo in la dilo isaga.

“Dowladda Somalia waxay u ogolaatay Xasan Daahir Aweys oo ah argagixiso dilay kumanaan qof inuu ku baaqo in aniga la i dilo.. dowladda ku taageereysa arrintan iyo taageerayaasheeda arrintan ku faafinaya baraha bulshada.. miyaaney caddeyn in dowlada ay la shaqeyneyso Argagxisiada..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo jawaab ka bixiyey hadal adag oo uu soo saaray Sheekh Xasan Daahir.

Sheekh Xasan ayaa sheegay inuu gaalnimo ku dhacay C/raxmaan, isla markaana uu ku jeesjeesay Xadiiskii Rasuulka, haddii uu towbad keeninna uu la mid yahay qoraagii Salmaan Rushdi oo aanu badbaadeynin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON