Monday, June 23, 2025

C/raxman C/shakur: “Farmaajo inuu sidii Bambo u soo tuuro 13 kursi, waa siyaasad ciyaal Faa Cali ee Qarshaa ii jabsan..”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida Musharixiinta Madaxweynaha ayaa si weyn u dhaliilay qaraarka uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ee in Gobolka Banaadir metelaad 13 kursi ah ku yeesho Aqalka Sare.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay sidii loo dooran lahaa 329 kursi oo heshiis lagu yahay dastuurkana ku dhigan. Wuxuu maanta soo tuuray 13 kursi oo aysan caddayn cida qaybinaysa, sida loo qaybinayo iyo yaa dooranaya..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo jawaab ka bixiyey tallaabada uu qaaday Madaxweynaha.

Wuxuu ku tilmaamay in ay arrintan tahay Bambo uu uutay Farmajo iyo siyaasad Ciyaal-suuqnimo ah. “Madaxweynaha 13 kan kursi ee la soo gemay, sooma xasuusan xilligii uu socday Dhuusmarreeb 1, 2, 3 iyo kii Muqdisho ee lagu gaaray heshiiskii 17ka Sept. Maanta oo ay irdihii oo idil ka soo xirmeen in uu bambo u soo tuuro 13 kursi, waa siyaasad ciyaal Faa Cali (qarshaa ii jabsan)’ ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/shakuur.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON