Siyaasiga C/rxmaan C/shakuur Warsame ayaa khashifay cidda bixisay lacagta mashruuca “Baxnaano’ ee Madaxweynaha Soomaaliya uu shalay daah furay, isagoo wax laga naxo ku tilmaamay in madaxweynihii dalka uu kari waayo in uu ka run sheego mashruuca.
“Mashruuca oo sanado soo socday waxaa deeqdiisa leh Baanka Aduunka, fulintiisana haydaha WFP iyo UNICEF, maamulkiisa kore ayaa lagu maamusay dawlada Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu gacan qabto dadka ay abaaraha, fatahaadaha webiyada iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga cayrteeyeen oo ay dalagii iyo xoolahii noolaa ka baabi’iyeen ka dibna xeryaha qaxootiyada galay, si ay noloshoodii dib ugu laabtaan oo saboolnimada looga saaro..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ku ceebeeyay madaxweynaha dalka inuu sheegto in markii ugu horaysay ee ay dowladu dadkeeda deeq gaarsiiso.
C/raxmaan C/shakuur ayaa caddeeay inay ahay inuu Madaxweynaha runta ka sheego mashruuca, una mahadceliyo ciddii deeqda bixisay, kuwa fulinta u xilsaaran, kadibna xuso kaalinta ay dawlada mashruuca haatan ku leedahay, isagoo khajilayana raaciyo kaalinta haboonayd inay ku yeelato dowladda intii uu sheegan lahaa deeq ajnabi ka timid, intii uu u ekeysiin lahaa in dowladu ugu tala gashay ka hortaga Karoona Fayris.
“Waxa ugu muhiimsan ee hoggaan siyaasadeed laga rabo, kumana sii jiro hogaamiye dal burbur ka soo kabanaya, waa in uu dadkiisa runta u sheego, una daacadnimo waramo, sababtoo ah waa ficilada dhisa kalsoonida uu shacabku dawladiisa ku qabo, waxayna kobcisaa aaminaada uu muwaadinku hogaankiisa u hayo..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur.