Sunday, July 13, 2025

C/raxman C/shakur oo si kulul u weeraray Madaxweyne Farmajo. “Halista Corona virus waxaa la mida hoggaan xumida”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta jeediyey khudbad ku saabsan sanadguurada 60-aad ee asaaska ciidamada xoogga daka.

Wuxuu sheegay in Shacabka uu maanta ka filaayey madaxweynuhu inuu ka hadlo xaalada adag ee uu dalku marayo iyo inuu dadka dejiyo oo cabsida, welwelka iyo jahwareerka uu sababay Karoona Fayris kala hadlo, lana wadaago shacabka sida ay dawladu u wajahayo halista Karoona Fayris.

“Keliya wuxuu madaxweynuhu Karoona kasoo hadal qaaday inay dabaaldegii ka hor istaagtay. Iyadoo dayac iyo daryeel xumi ba’an laga soo sheegayo Cusbitaaladii, iyadoo dalkii deegaano badan colaado ka socda ayuu Madaxweynuhu wuxuu door biday inuu waqtigiisa ku lumiyo is aamaanid; dayntii ayaa nala ka cafiyey, musuqmaasuq ayaan la dirirnay, dalkii Alshabaab ayaan ka xoraynay, doorashadana Guddiyo ayaan u xilsaarnay iwm. Halista Karoona Fayris, waxaa la mid ah hoggaan xumida dalka haysata. Allaha inoo yasiro..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo ka mida ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha kula tartamay Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON