Tuesday, July 1, 2025

C/raxman C/shakur: “Sheekh Umal & Xasan Daahir waxay ilaalashadaan dowladda uu Farmaajo hoggaamiyo..” [Jawaab]

Siyaasiga C/raxamaan C/shakuur Warsame ayaa ka jawaabay baaq kasoo yeeray Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ugu baaqay inuu ka towbad keeno khaladkii weynaa ee uu ka galay Xadiis ka sugnaaday Nebiga SCW, isagoo ku eedeeyay arrimo siyaasadeed.

Qoral dheer oo uu bartiisa kusoo qoray C/raxmaan C/shakuur ayuu ku sheegay inuu la yaabay in Sheekh Ummal uu si ula kac ah oo shakhsi ah u lafa gaaray, sida uu yiri kuna tilmaamay “Jaahil, eey oo kala ah, gaalo raac, Nebi diid ah, Diinta ka xuubsiibtay, dumarka cod si khiyaano ah uga raadsanaya.”

“Wuxuu Ummal shacabka Soomaaliyeed ku eedeyey in ay raggii soo qixiyay xukunka ku abaal mariyeen, oo ay madax ka dhigteen. Waxaa uu kaloo sheegay in kuwo aan anigu ka mid ahay ee soo socdana ay gaalo raac yihiin. Ummal wuxuu ka gaabsaday gabood falka iyo xadgudub ka madaxda haatan talada dalka haysa. Wuxuusan juuq ka oran dhiibistii Qalbidhagax, xasuuqii Baydhabo, cunaqabataynta shacabka Kismaayo, iyo weerarkii wiilasha ilaalada ii ahaa ee xarunta Xisbigayga lagu xasuuqay..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo arrinta u wareejiyey dhinaca siyaasadeed.

Isagoo si toos ah u weerarraya Sheekh Umal ayuu C/raxmaan C/shakuur yiri”Lama yaabbani Sheekh Ummal, sababta oo ah, waa ninkii na gaalaysiiyey markii aan heshiiskii Jabbuuti galnay, waa ninkii gaalaysiiyey Cabdullaahi Yuusuf, waa ninka Dowladdii Xasan Sheekh irdaha u taagnaa. Isaga iyo Xasan Daahir waxaa ay ilaalashadaan dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo, sababtuna waa ay caddahay. Waa in Fahad Yaasiin oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xarakada Ictisaam oo ay soo wada galeen dagaalkii Araare, Gedo iyo Boosaaso uu dowladdaan milkiile ka yahay. Waxaa dhaqan u ah gaalaysiinta Muslimka, banaynta dhiiggiisa iyo ku xadgudubka cirdigiisa..”

Culimo badan ayaa hadalkii labaad ee uu jeediyey C/raxmaan C/shakuur u aragtay inuusan ahayn towbad keenkii loogu baaqay oo weli ku taagan yahay khaladii uu galay isagoo dadka raaligelinaya halkii uu caddeyn lahaa inuu ka noqday khaladkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON