Thursday, June 26, 2025

C/raxman C/shakuur oo maanta Xus u sameynaya Weerarkii lagu qaaday Gurigiisa & Farriin uu diray

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xisbigiisa Wadajir ayaa maanta xus u sameynaya weerarkii sanad ka hor ay ciidamada NISA ku qaadeen Gurigiisa.

Weerarkan oo haliyey xiisad siyaasadeed, isla markaana lagu dilay 6 qof oo shan ka mida ay ahaayen ilaalada siyaasiga oo laftiisa lagu dhaawacay ayaa ka mid ahaa falalkii sida weyn loo cambaareeyay ee dowladda ay ku kacdo, wuxuuna ku dhammaaday maxkamad qabyo ah iyo heshiis la’aan.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa taageero weyn ku helay weerarkaasi, wuxuuna isu bedelay ninka ugu weyn ee ka horjeeda dowladda Soomaaliya.

War uu soo saaray saaka ayuuu ku sheegay in  Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 December 2018, ay ku beegantahay sanad ka dib weerarkii lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho, iyagoo  u baroor diiqaya shantii qof ee weerarka lagu dilay.

“Waxaa ayaandari wayn ah in Dawlada Federaalka ah aysan ilaa iyo haatan, baaritaan ka samayn, cadaaladana hor keenin kuwii fal danbiyeedka gaystay. Xisbigga Wadajir wuxuu aaminsan yahay in xil ku abaalmarinta kuwii gabood falka gaystay ay marqaati u tahay in hoggaanka sare ee dawlada uu fal-danbiyeedka ku lug leeyahay…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur

Ciidamada dowladda ayaa saaka xiray wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, iyadoo wararka qaar ay  sheegayaan in looga hortegayo dhaqdhaqaaqa xisbiga C/axmaan C/shakuur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON