Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida hoggaamiyeya xisbiyada KMG ah ee dalka ka jira ayaa soo bandhigay xog cusub ku saabsan in Alshabaab ay joojisay dhismooyin ka socday xarumo waaweyn oo dowladeed iyo dad gaara gacanta ku hayaan.
C/raxmaan C/shakuur .oo hore u soo bandhigay canshuurta ay Alshabaab ka qaadato Ganacsatada Muqdisho iyo Dekadda caasimadda ayaa sheegay in Alshabaab ay joojiyeen dhisme dayactir ah oo lagu sameyn lahaa Hotelka SYL oo kasoo horjeeda Madaxtooyada Somalia, isagoo intaas ku daray inaysan wax dhisme ah xilligan ka socon Garoonka ciyaaraha Stadio Muqdisho.
“Waxaan xog ku heynaa in aysan wax shaqo ah ka socon dhismihii ay Al-Shabaab joojiyeen ee ka socday Stadium Muqdisho, waxaan kaloo xog ku haynaa in Al-shabaab ay hor istaageen dayactir lagu sameyn lahaa Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku wargeliyeen shirkadihii dhismaha in ay hawshaas qaban karaan; haddii ay bixiyaan magta wiilashii looga dilay goobtaas oo ay ula jeedaan kuwii sedaxda jeer hoteelka isku qarxiyey…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu sheegay inay wax laga naxo tahay iyadoo amnigii Muqdisho sidaa u dayacan yahay inay dawlada Federaalka ah caqli quursi ku samayso shacabka Soomaaliyeed oo la soo gole istaagto sababta ay xayiraada u saareen duulimaadka tooska ee Kismaayo ay tahay amaanka dartiis.
Wuxuu si weyn u dhaliilay xayiraadda ay dowladda saartay Garoonka Muqdisho, iyadoo maanta diyaarada ka duusha Afmadow oo 30 kiilo Mitir Kismaayo u jirta aysan tegi karin Kismaayo, haddii aysan Muqdisho soo marin .