Saturday, July 26, 2025

C/raxman C/shakuur & Xisbigiisa oo Saddex Shardi ku xiray la-kulanka Madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xisbigiisa Wadajir ayaa saddex shardi ku xiray kulan ay Madaxtooyada Soomaaliya ugu yeertay xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira.

Qoraal uu faadiyey C/raxmaan C/shakuur ayaa lagu sheegay in Xisbiga Wadajir uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020-ka, waa haddii ay caddaato in madaxweynuhu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka.

Qodobadda uu Xisbiga Wadajir shardiga uga dhigay la-kulanka Farmaajo waxay kala yihiin:

1- In Madaxweyne Farmaajo uu si cad afkiisa uga ballan qaado shacabka Soomaaliyeed in uu san hal maalin ku darsanaynin muddo xileedkiisa, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynahana la qabanayo xilliga uu muddo xilleedkoodu ku eg yahay

2- In uu ku dhawaaqo in aysan suuragal ahayn qabashada doorasho qof iyo cod ah, caddeeyana in uu diyaar u yahay in saamilayda siyaasadeed ka wada xaajoodaan model-ka iyo hannaanka ugu haboon ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacda.

3- In uu cudurdaar iyo magdhaw ka bixiyo weerarkii 17 Dec uu ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.

C/axmaan C/shakuur ayaa intaas ku daray in markii uu madaxweyne Farmaajo uu caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan qodobadaasi ay macno yeelan karaan kulamada xisbiyadu, laakiin intaas ka hor ay tahay maaweelo iyo marin habaabin muddo kororsi loogu gogol xaarayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON