Thursday, June 26, 2025

C/raxmaan Faroole oo weerar ku qaaday Guddoomiye Jawaari & Wasiir Xoosh, Baaq culusna diray [Akhriso]

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dingiin u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe saaka ayuu shegay inuu socdo qorshe lagula dirirayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya qaadatay, wuxuuna si toos ah u weerarray  Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo uu ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha ay faraha kula jiraan ee dastuurka.

Faroole ayaa sheegay in labadan mas’uul ay la wareegeen awoodo dastuuri ah oo aysan lahayn.  “Guddoonka Golaha shacabka waa inuu faragelinta haka daayo maamul goboleedyada baarlamaanadooda oo uu hadba meel ku casuumayo.. caqabadaha socda waxaa ka mida in dagaal lagu hayo nidaamka federaalka..: ayuu yiri Senator Faroole.

Wuxuu weerar ku qaaday guddoomiye Jawaari iyo Wasiir Xoosh, isagoo yiri ” Dagaalka lagu hayo federaalka waxaa kow ka ah hoggaanka Golaha shacabka iyo cidda keentay ee magacawday wasiir aan ku habooneyn Wasaaradda Dastuurka oo awalba loo heystay dastuurkii KMG shirweynihii dastuurka ee lagu ansixiyay Xamar sanadkii 2012 faraha gelisay oo buuggii wax ka bedelay, maalmahan shirarka waday, cida la hadashana aysan jirin..”.

Wuxuu ugu baaqay Faroole  Hya’adda UNDP ee Qaramada Midoobey inay joojiso maalgelinta ay ku bixineysa howsha uu wado Wasiir Xoosh ee Dastuurka, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay howlaha dib u eegista dastuurka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON