Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa u jawaabay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan magaalada Jubba ee dalka South Sudan ka sheegay in maamul Goboleedyada ay doonayaan inay la wareegaan awoodii arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka.
Wuxuu sheegay in Madaxda maamul Goboleedyada ay heshiis la geli karaan madaxda kale ee caalamka isagoo tusaale u soo qaatay dalka Mareykanka oo federaal ah, wuxuuna caddeeyay in khilaafka jira aanu ahayn mid shaqsi ah.
Iasgoo wareysi siiyey VOA-da ayuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay isku koobtay Muqdisho, iyadoo aysan jirin dowlad dhexe oo ka kaalmeyneysa amniga, mushaarka shaqaalaha iyo horumarinta, wuxuuna sheegay inta dowladdu gaarto ay tahay Muqdisho iyo agagaarkeeda.
Isagoo ka hadlayey is-casilaaddda Madaxweynhii Koonfur Galbeed Shariif Xassan ayuu sheegay in faragelin iyo musuqmaasuq weyn lagula kacay, iyadoo lacag loo qeybiyey Baarlamaankii K/Galbeed oo Muqdisho la geeyay, ayna ahayd isla arrimihii ay ku hayeen dowaldda dhexe.
DHAGEYSO