Monday, July 14, 2025

C/weli Muudey oo kashifay in Dastuurkii ay ansixiyeen Ergada Soomaalida la xaday, laguna shaqeeyo… [Dhageyso]

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka. ahna ku simaha Guddoomiyaha Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa kashifay xog ku saabsan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuusan ahayn dastuurkii ay ansixiyeen ergadii Soomaalida ee gaareysay 800 ahayd.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo xirayay shirka dib u eegista Dastuurka oo ka dhacday Muqdisho ayuu sheegay in Dastuurkii ay ansixiyeen ergadii Soomaalida la xaday oo midka hadda lagu shaqeeyo uu yahay dastuur ay maalgashadeen Ajnabi oo laga soo tarjumay af-Ingiriis.

Muudey ayaa caddeeyay in haddii loo baahdo dadkii ka dambeeyay arrintan la heli karo, wuxuuna uga digay guddiga Dastuurka ee uu madaxda u yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) in la xafido oo aan mar kale laga xadin dastuurka oo uu noqdo mid Soomaalida ay maalgashato

Arrintan ayaa dib u soo celineysa saxiixayaashii lixda ahaa ee madaxda Soomaalida, kuwaasoo awood ku lahaa wax ka bedelka dastuurka, iyadoo khaladaad fara badan oo ku jira dastuurka KMG ah ay keenaan inaan lagu kala bixin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON