Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa si kulul oo adag uga hadlay Sharciga Dembyada Galmada la xiriira oo qaar ka mida xildhibaannada ay dalbadeen in Baarlamaanka lagu soo celiyo, isagoo ku timaamay Gaalnimo iyo Diin ka bax aysan ogolaaneynin in Baarlamaanka looga doodo.
“Wasaq waaye, qurun waaye, sharci maaha.. wax uusan islaamka qabin, Datuurka qabin lama keeni karo, Ma shaci gaalo ayaan ku dhaqmeynaa .. maxay tahay waxa aad nagu wadaan..? ood nala daba taagan tihiin.. Sheydaan waaye, sharci maaha lamana la keenayo halkan… Gaalada Sharcigeeda miyaa inta keeneynaa, miyaanan Diin laheyn, islaam ma nihin miyaa, Sharciga Gaalada ninkii ku qanacsan Gaalada ha aado, Gaal ninkii ku qanacsan gurigiisa ha aado hasoo qanciyo, anaga Ilaahey ayaan qancineynaa..” ayuu yiri C/weli Muudey oo si weyn uga carooday xildhibaano dalbaday in Golaha lagu soo celiyo Sharciga Dambiyada Galmada la xiriira.

HOOS KA DAAWO