Tuesday, November 24, 2020
More

    Caa’isha Romano oo Aayado Qur’aan ah ugu jawaabtay Dadkii kala hor yimid naceybka Islaamka

    Waxaa dalka Talyaaniga si weyn looga hadal-hayaa dood ku saabsan haweeneydii Talyaaniga Silvia Romano (Caa’isha) oo kadib markii laga sii daayey afduubkii lagu heystay gudaha Soomaaliya, balse ay shaacsisay inay islaamtay.

    Kooxaha xagjirka Talyaaniga ayaa hanjabaadyo u diray haweeneydaasi iyagoo u muujiyey naceyb, qaarkoodna waxayba ku baaqeen in la daldalo, halka qaar kale ay aflagaado iyo hadallo naceyb ah ka faafiyeen sida inay argagixiso isu bedeshay iyo arrimo kale.

    Ad

    Caa’isha Romano ayaa boggeeda Facebook ugu jawaabtay, dadka ka hor yimid go’aankeeda ay ku qaadatay diinta islaamka, waxayna jawaabteeda ka dhigtay aayado Qur’aan ah oo ay ku fasirtay luuqaddeeda Talyaaniga.

    Jawaabta Caa’isha Romano ayaa ahayd aayado ka mida suuradda Fussilat oo macnahoodu yahay sida soo socota:

    .

    Arrintan ayaa mar kale dood ka dhalisay baraha bulshada iyadoo aad looga hadlay ujeedada ay ka lahayd aayaadaha oo sheegaya in qofkii caddow kuu ah lagula dhaqo si wanaagsan, iyadoo kadibna uu noqon doono saaxiibkaa.

    Wargeysyada kasoo baxa talyaaniga ayaa aad u falanqeynaya tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadday Silvia, xilli markii hore uu taagnaa muran xoog leh oo ka dhashay islaamnimadeeda.

    Naceybka Silvia loo muujinayay ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxayna dad badan ku doodayeen in ay khalad ahayd sii deynteeda iyo dadaalkii ku baxayba, mar haddii ay Islaamkii qaadatay.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,190FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,694FollowersFollow
    151,190FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,694FollowersFollow

    TOP NEWS

    Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo yeeshay Guddoomiye, Xogheyn iyo Afhayeen (Akhriso)

    Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo shirkooda magaalada Muqdisho maanta la soo gabagabeynayo ayaa iska dhex doortay guddoomiye xogheyn iyo Afhayeen. 14 musharax ayaa oo...

    XOG: C/weli Muudey oo qirtay inuu ka danbeeyay ridistii Xukuumadii Xasan Kheyre, Dalabna hor dhigay..

    Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey ayaa cafis ka dalbaday Ra'iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kadib markii uu sheegay...

    Safiirka Itoobiya ee Somalia oo shaaciyey Go’aan Madaxweyne Farmaajo ku taageeray Dagaalka Tigray (Akhriso)

    Safiirka dowladda Itoobiya u jooga magaalada Muqdisho Jalaaludiin Omar ayaa shaaciyey in Madaxweynaha Soomaaliya uu si buuxda u taageeray howlgalka fulinta sharciga ee ciidamada...

    Alshabaab oo Gubtay Gaadiid Xamuul ah oo ku socday Magaalo ay Go’doomiyeen

    Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay gubeen baabuur nooca xamuulka ah oo ku sii jeeday Gobolka Bakool. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Dodishe ayaa...

    Abiy Ahmed oo la-taliyihiisa Amniga u soo diray Madaxweyne Farmaajo iyo kulan ka dhacay Villa Somalia

    Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ergay gaara u soo diray magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo, isla markaana farriin u soo gaarsiiyo Madaxweynaha...

    Mursal iyo Muudey oo tegay shirka Musharixiinta Madaxweynaha iyo Farriin culus oo ku socota Farmaajo

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Cabdiweli ibraahim Muudeey ayaa caawa lagu soo dhoweeyay shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee...

    Senator Muuse Suudi: “Mahdi Guled reer waqooyi waa naga celi waayeen, haddii Amxaaro leedahayna waa naga celi weysay”

    Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa dhaliil u jeediyey Ra'iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. "Dad aan dhowri...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!