Caasho Xaaji Cilmi oo ka mida Musharaxiinta u tartamayay kursi ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa si lama filaan ah uga hartay doorashada 2016.
Caasha oo ka mid ahayd musharixiinta Aqalka Hoose ee Beesha Saleebaan/Gaabane ayaa la soo weriyay inay diiday ka qeyb galka tartanka haddii aanu kursigu ahayn mid ay ku tartamayaan haween qura.
Ugaaska Beesha ayaa diiday inuu kursigu noqdo mid ay haaweenka gaar u leeyihiin, waxayna taasi keentay inay isugu soo haraan kursigan musharixiinta kala ah: Maxamed Abtidoon, Aadan Cusmaan iyo Ubax Axmed.
Abtidoon yare ayaa lagu wadaa inuu ku guuleyso kursigan oo hadda ka baxay faraha kooxda ka horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo uu noqon doono kursi kale oo ay heleen taageerayaasha Madaxtooyada.
Goobjooge.com