Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa isu sharxay jago xildhibaanimo Baaralmaanka cusub ee la dhisyo dhowaan, waxaana maanta xaflad lagu soo dhoweynayo musharaxnimadiisa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
Musharaxnimada Cabdi Qeybdiid oo maanta la shaaciyay inuu yahay musharax u taagan jagada xildhibaanada cusub ee aakhirka sanadkan oo lagu dooran doono magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug.
Balanqaadyo badan oo Cabdi Qeybdiid loo sameeyay in loo magacaabayo xilal sare oo dowladda Federaalka ayaa fuli waayay, iyadoo xilkii ugu danbeeyay oo beeshiisa ay hesho uu ahaa agaasimaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo hogaamiye kooxeed ka tirsanaa kuwii magaalada Muqdisho waa mas’uulka qura ee ku haray siyaasadda, waxaana saaxiibadii ay nqodeen howgab.
Goobjooge.com