Friday, July 11, 2025

Cabdi Xaashi oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa mar kale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho maanta 26 April 2022, ka dhacday Muqdisho.

Doorashada oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa xilka xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ku tartamay 3 Musharrax oo kala ah:

1- Cabdi Xaashi C/llaahi

2- Saalax Axmed Jaamac

3- Cusmaan Abuurka Dubbe

Wareegii koowaad ee Doorashada waxaa ku guleystay Cabdi aXashi C/llaahi oo helay 28 cod, wuxuuna mar kale hoggaamin doonnaa Guddoonka Aqalka Sare, Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Waxaa kaalinta labaad galay oo kusoo xigay Saalax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka oo helay 24 cod. Kaalinta saddexaad waxaa helay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo helay laba cod.

Maadaama Cabdi Xaashi uu helay codad ka badan 50% oo lagu daray 1, oo ka mid ah 54-ka cod ee Aqalka Sare, looma baahan wareeg labaad, wuxuuna ku guuleystay wareegga koowaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON