Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug waxaa maanta ka bilaabatay doorashada aqalka hoose.
Kursiga ugu horeeya ayaa la sheegay inay ku loolamayaan labada musharax ee kala ah:
- Mahad Maxamed Salaad oo ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, kana tirsan kooxda Damjadiid.
- iyo Jen. C/qaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ka mida saraakiishii sare ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya
Loolanka ayaa noqon doona mid adag sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Cadaado. Jeneraal Subxaanyo ayaa ah nin aqoon sare ka gaaray cilmiga ciidamada isagoo wax ku soo bartay dalalka Midowgii Soofiyeeti iyo Jarmalka, wuxuuna la-taliye u noqday madaxweyne Sheekh Shariif.
Ololaha doorashada ayaa intiisa badan ku tiiran lacago la siiyo ergooyinka, waxaana la arki doonaa halka kursigan aado iyadoo ay noqon doonto tijaabo ku saabsan sida musharixiinta Damjadiid uga go’an tahay inay soo laabtaan.
Goobjooge.com