Monday, July 14, 2025

Cali Cosoble oo u jawaabay Goodax Barre. “Dowlad goboleedyada professors miyaa maamula? Naga xishoo oo isku xishoo..”

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa u jawabay wasiirkii hore ee waxbarashada C/llaahi Goodax Barre oo eedeyn iyo aflagaado u geystay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ugaaska Beesha Xawaadle.

Qoraal jawaab u ahaa eedeyn uu xildhibaan C/llaahi Goodax weerar afka ah ugu qaaday madaxweynaha Hirshabeelle iyo ugaaska beesha Xawaadle ayuu ku yiri: “Cabdullahi Goodax with all due respect, adoo aan cidna u gafin aragtidaada ma soo bandhigi kartid miyaa? Dowlad goboleedyada ka jira dalka professors maa maamula? Midda kale, xaq uma lihid inaad Ugaaskeena ku af xumaato. Annaguu Ugaas noo yahay mana u gafi kartid. Fadlan isku xishoo oo naga xishoo.

C/llaahi Goodax ayaa saacidihii ugu danbeeyay farriimo is daba joog ah soo saaray isagoo taageeraya dadka magaalada Beledweyne kacdoonka ka wada isla markaana eedeymo aan hore loo arag u jeediyey Madaxda dowladda Federaalka, kuwa Hirshabelle iyo Ugaaska Beeshiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON