Monday, July 14, 2025

Cali Cosoble oo weerar ku qaaday dowladda Federaalka & Degaanka Jawiil [Dhageyso Sir uu Qarxiyay]

Madaxweynaha xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa weerar kulul ku qaaday dowladda Federaalka iyo dadka kasoo jeeda Degaanka Jawiil.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar  ayuu sheegay in kuwii ka danbeeyay aysan ahayd xildhibaano, ayna ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray caddow.

Wuxuu si cad u weeraray guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle marwo Canab Axmed Ciise, isagoo sheegay inay guddoomisay shir sharci darro ah iyadoo ku cadaadineysa in degmo loo magacaabo degaanka Jawiil.

“Jawiil degmo ka noqon karto, mooshin maahee toban mooshin ha kala keeno” ayuu si kulul u yiri Cali C/llaahi Cosoble isagoo intaas ku daray inaysan sharciga waafaqsaneyn inay degmo noqoto, isagoo aan faahfaahin ka bixin.

Dhinaca kale wuxuu weerar kale ku qaaday madaxda dowladda Federaalka, isagoo soo qaatay arrinta mowqifkii ay ka istaagtay xiisada khaliijka ee dhex taagan isbaheysiga Sacuudiga iyo dalka Qatar, taasoo ah xaalad aan iminka wax saameyn ah lahayn.

Wuxuu caddeeyay inuusan marti ku ahayn magaalada Jowhar, isla markaana aanay jirin cid ay sharcidarro ka yeelayaan iyo inay af-gambiso Hirshabeelle.

Soo hadalqaadka degaanka Jawiil ee madaxweynaha la riday iyo qaabka xaaladda u dhigay ayaa si cad u muujineysa taagdarrada siyaasadeed ee shaqsi ahaan heysata Cali C/llaahi Cosoble oo xil ka qaadistiisa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON