Thursday, June 26, 2025

Cali Guudlaawe: Musharax dooran oo haddana la dooranayo… [Akhri Xaqiiqada ka jirta Jowhar]

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa lagu wadaa in maanta loo doorto xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii si hoose loo xaliyay khilaaf ka dhashay cidda qabaneysa xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle oo keenay in musharax Cali Xasan Taakow uu ku dhaqaaqo gadood, isla markaana ciidamo taabacsan ay Jimcihii qabsadeen xaruntii shirka ee Jowhar.

guudlaawe1Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo Muqdisho ka tegay ayaa arrinta dhex galay iyadoo markii la isku mari waayay, waxaana markii dambe lagu guuleystay in Musharax Taakow lagu qanciyo in la siiyo kharashkii uga baxay ololaha doorashada isla markaana uu tartanka sidaas ku galo iyadoo xilka loo dooranayo Cali Guudlaawe.

Cali Guudlaawe oo hore u ahaa Guddoomiyaha Gobolka, iyo musharaxa kaliya ee loo ogol yahay in sawiradiisa lagu xardho magaalada Jowhar ayaa hadda noqday nin dooran oo haddana la dooranayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON