Shan Qodob oo loo cuskaday xil ka qaadista Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Hirshabeelle io Kursiga uu sababsaday
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Hirgalinta Doorashada Dowladda Hirshabeelle ka qaaday Axmed Xasan Diini.
Wareegto saaka kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Guudlawe ayaa lagu caddeeyay in guddoomiyaha la eryay lagu bedelay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi), xilli ay doorashada Hirshabeelle ka harsan tahay kuraas korban.
Arrintan ayaa timid kadib markii Guddoomiyihii hore Axmed Xasann Diini lagu eedeeyay inuu iskiis go’aan uga gaaray kursiga HOP135, isagoo ku qoray ogayaal uu watay musharax gaara, kaasoo uu doonayey inuu kursiga u xero.
Guddoomiyiha SEIT Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday sababaha soo socda;
1- Markuu arkay xagal daacinta iyo Hufnaan la’aanta shaqo ee Guddoomiyaha gudiga hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle.
2- Markuu arkay: Hab dhaqanka aan waafaqsaneeyn nidaamka dowliga ah ee uu sameeyay Guddoomiyaha gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle
3- Markuu arkay:In Guddoomiyaha Guddiga doorashada Hirshabeelle uu ka leexday habsami u socodka iyo habraacyada doorashada 2020/2022.
4- Markuu tixgelyay: Soo jeedinta Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle
5- Markuu xaqiiqsaday: In gudoomiyaha khatar galiyay amniga xubnaha guddiga iyo badqabka goobta doorashada.
Kursiga HOP135 ayaa Madaxtooyada Soomaaliya dadaal xoogan ugu jirtay in loo xiro musharax lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cismaan, waxaana kursiga hore ugu fadhiday xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

