Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa isu sharxay musharax madaxweyne tartanka doorashada 2016.
Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha, waxaana lagu wadaa inay maanta Muqdisho ka dhacdo xaflad uu si rasmi ah ugu shaacinayo musharaxnimadiisa.
Waa markii labaad ee ee Cali Geedi isu soo sharxo xilka madaxweynaha, waxaana la xusuustaa in sanadkii 2012 uu isu sharxay xilkan, kadibna laga waayay liiska musharixiinta arrimo aan la shaacin dartood.
Dad badan ayaa aaminsan in Cali Maxamed Geedi ka mid yahay Musharixiinta ujeedkoodu yahay inay is muujiyaan inay siyaasad ahaan weli soo taagan yihiin si dowladda cusub uu boos uga raadsado.
Musharixiin badan oo xilka madaxweynaha isu sharxay ayaan ahayn musharixiin dhab ah, waxayna musharaxnimadooda la xiriirtaa arrimo aan shaqo ku lahayn xilka madaxweynaha ee ay isu sharxeen.
Goobjooge.com