Monday, August 25, 2025

Canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay Shixnadaha ka soo dega Dekadda Muqdisho

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa canshuur dheeraad ah ku soo rogtay badeecadaha kasoo dega dekadda weyn ee Muqdisho.

Dhaqangalka Canshuurt cusub oo saaka bilaabatay ayay cabasho weyn ka muujiyeen Ganacsatada oo sheegay in halkii markii Konteenarka dusha laga canshuuri jiray, hadda la bilaabay in alaabta ku jirta Konteenarka  mid mid loo canshuuro.

Canshuurta la kordhiyay ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii ganacsatada bilaabeen in Konteenarrada ay ku soo shubaan alaab qaali ah oo canshuurteedu badan tahay kadibna canshuur guud ay bixiyaan, taasoo keentay in wasaaraddu ay wax ka bedesho qaabka canshuurta loo qaadi jirtay.

Ganacsatada wax kala soo dega Dekadda ayaa intooda badan diiday canshuurta lagu kordhiyay inay bixiyaan, waxaana wasaaradda maaliyadda iyo ganacsatada la filayaa inay ka wadahadlaan arrintaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON